Taariikhda Daabacaadda: 1 Sebtember 2020

 

Ku saabsan buugga

Si dadka loogu dhiirrigeliyo in ay wax badan ka ogaadaan noloshiisa, Abshir wuxuu go'aansaday in uu caddeeyo waayo-aragnimadiisa iyo xirfaddiisa ganaacsi ee ku dhiirrigalisay in uu isku sharraxo xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo soo saaray xisaabtan furan ee qaabeysan. Sheekooyinka waxaa ka mid ah xusuusta qof dhalinyar ah oo lagu qasbayo inuu la qabsado nolosha cusub ee faransiiska, kaddib markii uu ka soo qaxay dalkiisa hooyo ee Soomaaliya isagoo 8 jir ah, geerida naxdinta laheyd ee walaalkiis Liibaan sanadihii uu kurayga ahaa, iyo xiriirka qoys dhaw ee keenay in uu la yeesho hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka ee uu hadda ku haminayo in uu ka mid noqdo.

 Buugga Abshir waxaa si weyn loogu yaqaannaa in uu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee murashax ku muujiyo waxqabadkiisa iyo himilooyinkiisa buug la daabacay ka hor doorashada. Abshir wuxuu u arkay tani fursad uu ku kasban karo dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo uu la wadaagay khibrado kala duwan, sidoo kalena inuu dunida inteeda kale ka wacyi galiyo arrimaha ugu muhiimsan ee qaranka iyo mandaqadu wajahayaan.

Sheekadiisa waxaa markhaati ka ah dad aad loo qaddariyo oo ay sii xoojinayaan sheekada Abshir, laga bilaabo hoggaamiyeyaashii hore ee siyaasadda Soomaaliya ilaa xubnaha qoyskiisa iyo saaxibbada. Cid kastoo aad ka waraysato, waxaad dhawaan ku ogaan doontaa in Abshir uu yahay nin gambasho la'aan u taagan xaqqa dadwaynaha, so gaar ah u qaddarinaya qiimaha nolosha, helidda xuquuq, caddaalad iyo fursado loo siman yahay oo wada ah inta ugu horraysa ee aasaaska ololihiisa bulsho.

 Buuggu waxaa lagu daabacay afafka Soomaaliga, Ingiriiska iyo Faransiiska.